Somali News

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmad Madoobe oo cadaadis kala kulmaaya

Magalada Kismaayo waxaa xalay ku hoyday  wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow.

Wafdiga oo muddo saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magalada Kismaayo ayaa la filayaa inay kulan la qaataan Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyaga oo kala hadli doona qaabka ugu wanaagsan ay ku dhici karto doorashada Jubbaland maadaama tabashooyin ay qabaan inta badan musharixiinta Jubbaland.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Kismaayo waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan habsami u socodka Doorashada Jubbaland, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kismaayo.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa xilligaan isha ku wada haaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Beesha Caalamka maadaama la filayo in dabayaaqada Bishan Agoosto ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Related posts

DEG DEG: Alshabaab oo sheegtay in Qaraxyo Ismiidaamin ah ay ku galeen Hotel Caan ah oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Xalane

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Erdogan Oo Ku Gacan Seyray Baaqyada Caalamka

admin

TOP NEWS: War laga soo saaray Madaxtooyada Muqdisho oo lagu sheegay in la bur buriyay Saldhig ay Shabaab ku lahaayeen Deegaanka…..

Tifaftiraha K24