Somali News

Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Qoorqoor oo sheegay in ay la Heshiiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay  laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa ka warbixiyey xaalada maamulka iyo qorshaha uga degan caleema raasrka Madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay la heshiiyeen
madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf, dhawaana ay
shaacin doonaan  qodobada ay  ku heshiyeen labada dhinac.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in
dhawaan ay qabsoomi doonto xaflada lagu caleema saarayo madaxda sare ee
maamulka Galmudug, isla markaana ay ka soo qeyb galayaan Madaxweyne Xaaf iyo
hoggaanka Ahlu-Sunna.

Dhanka kale Cali Daahir Ciid madaxweyne ku xigeenka
Galmudug  ayaa sheegay in askartii Ahlu-Sunna ee maalin ka hor Dhusamareeb
kula dagaalamay ciidamada dowladda ay biiri doonaan ciidamada maamulka
Galmudug.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xilli maalmihii dambe dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ka socdeen magaalada Dhusamareeb iyo weliba Gurceel, in kastoo dagaaladaas looga itaal roonaaday ciidamada Ahlu-Sunna, taas oo kaliftay in ay is dhiibaan hoggaanka Ahlu-Sunna.

Related posts

TOP NEWS: Magaalada Marka oo la geyn doono Ciidamadii ugu Badnaay oo ka socda Maamulka……

Tifaftiraha K24

Shacabka Puntland kaama filayn wuxuu sameeyay balse wuu helayaa Cawaaqibkeeda

Tifaftiraha K24

Dhagayso Cali Khaliif Konfur wanu ka rajo dhignay

admin