Somali News

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay in ciidamada Kenya sii joogi doonaan.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay sii joogayaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo haatan ka howlgala inta badan deegaanada Jubbaland.

Kenyatta ayaa sheegay in inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab ciidankiisu sii joogayaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka sii ahaan doonaan howlgalka AMISOM.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dolwaddiisu ka go’aan tahay, sidii looga adkaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadeenu waxay sii wadi doonaan inay ka sii mid ahaadaan AMISOM, illaa haliska ka imaanaya kooxaha xagjirka ee dalkeena qalqal gelinta la soo afjaro.”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Related posts

Jawaari “Furaha taleefannada Soomaaliya ee 252 waa hanti-qaran”

admin

TOP NEWS: Maamulka Soomaliland oo Jawaab aan Caadi aheyn ka bixisay Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay iyo Qodobada ka soo baxay oo ay..

admin

C/Qeybdiid oo Puntland Fariin u Diray''''''

admin