Animation

XOG:- Madaxweynaha Jubbaland oo Kulamo xasaasi ah ka wada Kismaayo.

no responses
Sunday September 11, 2016 - 7:07 under Breaking News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo manta So garay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa u magaaladaasi ka bilaabay kulamo muhiim ah.

Kulankii ugu horeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu garoonka Kismaayo kula qatay Saraakiil ka kala socoto Dowladaha Itobiya iyo Kenya waxaayna ka wada hadleen dardar galinta  howgalka badweynta hindia ee ay dhawaan Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa SNA ay bilaaben.

Kulankaasi ka dib Madaxweynaha waxaa uu madaxtooyada Jubbaland kula kulmay Saraakiishii horkacaysay howlgalka  badweynta Hindia  oo ay ka mid yihii Gen Adan goojaar iyo Gen Yusuf dhumaal  waxaana uu kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran howlgalkaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maalinta bari ah  meel fagaaro ah kula ciidi doona Shacabka Magaalada Kismaayo ka dib na waxaa uu  u dhoofi doona Magaalada Muqdisho halkaas oo lagu wado in uu dib uga furmo  shirkii madasha wadatashiga qaranka oo manta lo hakiyay  Ciida iyo shirweynah IGAD ee Muqdisho ka furmaya.