Madaxweynaha Galmudug oo kulan muhiim ah la qaatay Ambasadoor Donald Y. Yamamoto + Sawiro

2
Warning: sizeof(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-content/plugins/ad-injection/ad-injection.php on line 824 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-content/plugins/ad-injection/ad-injection.php on line 831

Madaxweynaha dowlada gobaledka Galmudug  Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kula kulmay Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Y. Yamamoto.

Kulankan Ayaa Waxaa Diiradda lagu Saaray Qodobada ay ka midyihiin Xariirka labada dawladood iyo sida loo xoojin lahaa, Taageeradda Dawladda Maraykanka Siiso Galmudug iyo Sida loo kordhin lahaa, dhisida iyo isku dhafka Ciidanka qalabka sida (SNA), si loo helo Ciidan Qaran oo hanta guud ahaan Amniga Soomaaliya, doorashada 2016 iyo horumarka siyaasadeed laga gaaray iyo caqabadaha jira.


Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay Taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, iyo mamul Gobaledyada isagoo ka codsaday inay xoojiso taageeradaasi.
Kulanka oo dhamaan qodobada looga hadlay la isla meel dhigay ayaa ku soo dhamaaday guul, iyadoo danjiraha uu xusay inay gacan ka geysanayaan ka mira dhalinta waxyaabihii laga hadlay.

 Sidoo Kale  Madaxweynaha Galmudug ay ala Filya inta uu Kenya uu Joogo in Kulamo la Qadan Doono Siyaasiyin iyo, Ganacsato Waxanaa Kulamadaasi loga Hadli Doonaa Arimo Quseeya Horumarka Somaliya iyo Galmudug

Halkan hoose ka  Daawo Sawirada

12 34

Comments are closed.