Madaxweynaha Eritreea oo si diirran loogu soo dhaweeyay Caasimadda Muqdisho

0

Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

Wafdiga Madaxweynaha Eritrea waxaa garoonka diyaaraddaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo xubno Labada gole ee Dowladda ka tirsan.

Dadweyne tiro badan ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta wafdiga nooga yimid dalka Eritrea.

Booqashada Rasmiga ee Madaxweyne Afwerki ayaa qaadan doonto Muddo laba Cisho ah, waana markii ugu horreysay ee madaxweyne ka socda Eritrea uu Muqdisho soo gaadho.