Animation

Madaxweyanaha Galmudug oo sheegay in wada hadal ay leeyihiin Puntland

no responses
Sunday September 6, 2015 - 8:40 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Wareeysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in uu socdo Qorshe ay ku wada hadlayaan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo uu ka dhex jiro Khilaaf Xoogan.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in uu jiro Guddiyo labada dhinac ka kala socda oo ku howlan Xalinta Khilaafka ka dhextaagan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in dadka Reer guuraaga ah ee ku kala Abtirsada labada Maamul ay joojiyaan dagaalada Daaqsinta ku saleeysan ee Gobolka Mudug ku dhex marta.