Animation

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Warqadaha Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dalka Natherland

no responses
Saturday October 24, 2015 - 12:46 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Si rasmi ah uga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo Safiirka Cusub ee Netherlands u qaabil sanaandoona Soomaaliya Franciscus Albercht Makken.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen Safiirka Xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay wada shaqayn u dhexmari lahayd Soomaaliya iyo Netherlands.

“waxaan ka wada hadalnay xiriirka ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Netherlands  iyo siddii loo sii xoojin lahaa, waxaa kaloo  ka hadalnay in Netherlands oo ay ku nool yihiin Soomaali badan sidii daryeel ay u heli lahaayeen” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay inay si doo kale ka wada hadleen Arrimaha Horumarinta Nabad galyada iyo sidii Netherlands ay  uga mid noqon lahayd waddamada Yurub  ee taageera Soomaaliya.

Ugu dambayn waxaa warbaahinta Siwada jir ah ula hadlay Safiirka Cusub ee Dowladda Netherlands Franciscus Albercht Makken, iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Cali Kadiye, iyagoo sheegay in ay wada shaqayn buuxda dhexmari doonto Soomaaliya iyo Netherlands.