Madaxwaynaha Myanmar oo cafis u fidiyay Maxaabiis

0

Madaxwaynaha Myanmar, U Win Myint, ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ay tiradooda kor u dhaafayso Sideed kun, iyada oo la xusayo fasaxa sanadka cusub ee Burme.

Dadka cafiska loo fidiyay ayaa la rumaysan yahay in ay ku jiraan 51 maxabiis ajaaniib ahaa.

Balse dadkan la siidaayay kuma jiraan laba saxafi oo u shaqaynayay wakaalada wararka Reuters kuwasi oo dhawaan dalkaasi lagu xiray.

Wa Lone iyo Kyaw Soe oo ayaa la xiray iyaga oo baaritaan ku samaynaya tacadiyada la sheegay in militariga Burme ay u gaysteen qoomiyada Muslimiinta Rohingya.

Madaxwayne U Win Myint ayaa la doortay bishii March waxa uuna xilkiisa yahay mid maamuus ah oo aan awood badan lahayn.

Waa nin muddo dheer ay jaal ahaayeen hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi oo qudheeda horey u ahayd maxaabiis siyaasadeed.