Madaxtooyada Puntland oo Shaqada ka ceyrisay Gabar facebook ku taageertay Dowladda federaalka

0

Aamina Cabdi salaan oo Loo yaqaan Qaranjoog ayaa laga ruqseeyay xubinnimadii madaxtooyada puntland kadib markii ay barteeda facebook taageero ugu muujisay Xukuumadda Nabad iyo Nolol

Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyadda Puntland, Cawil Xassan Daad ruqsadda shaqo ka fariisinta u jaray aamina oo barteeda facebook-ka ku taageertay waxaana agaasime ku-xigeenka uu ku qabsay aamina in ay joojiso taageerada nabad iyo nolol balse markii ay diiday ayaa shaqadii laga ruqseeyay.

Aamina waxa ay aheyd xubin kamid ah Xafiiska hab-maamuuska Madaxtooyada Puntland.

Barteeda Facebook oo ay kusoo gasho qaranjoog aamina cabdi salaan ayaa kusoo qortay in shaqadeedi ay u weyday maxaad dowladda federaalka u taageertay.

Sawirka hoose waxaad ka arki kareysaan mid kamid ah qoraallada aamina ay barteeda facebook ku daabacday oo ay shaqadeedi ku weyday.

Dhawaan ayey aheyd markii kismaayo loogu xidhay gabadh barteeda Facebook ku taageertay dowladda dhexe fikradna ka dhiibatay qoraal lagu dhaleeceynayay axmad Madoobe hogaamiyaha Jubbaland.