Somali News

Madaxtooyada Puntland oo Mooshin kale ka diyaarisay Dhoobodaareed.

lo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in xukuumadda Puntland ay dabada ka riixayso mooshin xubinnimada Baarlamanka looga saarayo, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka, ayaa la xaqiijiyay in ay saxiixeen mooshinka, oo ay ku qoran yihiin eedaymo ka dhan ah xil. Cabdixakiin Dhoobo, islamarkaana Golaha looga dalbanayo in ay xasaanadda ka qaadaan mudanahaasi, oo kulamada Baarlamanka ka maqnaa tan iyo markii 7-dii November ee sannadkan xilkii looga qaaday mooshin ay soo abaabushay madaxtooyada Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda diyaarsatay kooram ku filan,si ay xubinnimada Baarlamanka uga saarto xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed, kadib markii ay mudanayaasha ku qancisay in xildhibaankaasi ku hawllanyahay dhismaha dowlad goboleed cusub oo ka madax-bannaan Puntland.

Mudane Dhooba-daareed, oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, ayaa maalmahan halkaasi ka waday dhaqdhaqaaq la xiriira, in maamul goonniya oo Puntland iyo Somaliland ka madax-bannaan loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana la sheegaya in uu Addis shirar kala duwan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jaaliyadaha SSC ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

Related posts

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Ka soo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo Maanta uu shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeen Maxamuud Saydi Aadan???

Tifaftiraha K24

Shir looga Hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Guud ahaan Dalka oo ka Furmaya Kismaayo

Sakariye Sakariye

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Duulimaad Cusub oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa

admin