Somali News

Madaxda Qaranka Somaliya  oo ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Meydka EngYariisow.

Salaada Janaasada ee lagu dukaday Meydka Eng Yariisow waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaasha labada Aqal, Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale goordhaw la filayaa in meydka Gudoomiyaha gobolka Banaadir lagu aaso qabuuro loo diyaariyay oo kuyaala dugsiga tababarka ciidamada Booliska General Kaahiye, waxaana aaska ka qeyb galaya qaar kamid ah madaxda sare.

Geerida Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa noqotay mid aad looga naxay, mana jirto ilaa hada natiijo kasoo baxday baaritaanka lagu sameeyay qaabkii uu u dhacay iyo cidii ka dambeesay qaraxii lagu dilay.

 

Related posts

Dhuusomareeb oo laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha

admin

Xaqiiqada qaabka Soomaalida isku Cunaan ama isku Dilaan & Sida uu Cadawgooda uga faaideysto (muuqaal)

admin

War Cusub: Ciidamo ka tirsan Ururka Ahlusuna oo Qaatay Qalabkii ay ku Howlgali jirtay Radio Galgaduud Xaruntiisa Magaalada Guriceel

Tifaftiraha K24