Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Taageero umuujiyey.

0

inkastoo ay jiraan Heshiis rasmi ah oo aysan gaarin Dowlada Somaliya iyo Madaxda Maamulada hadana waxaa dhinac socda xalinta khilaafka u dhaxeeya Dowlada Somaliya iyo Maamulka Galmudug.

Khilaafka ayaa hada ku soo biyo shubtay labo qodob oo kala ah.

1 in dhaqaalaha Galmudug loo fasaxo kaasi oo dowlada hakisay.

2 iyo Xiliga Madaxweyne Xaaf uu xilka Galmudug ka dagayo taasi oo Dowlada ku doodeyso in uu dhameesto labada sano ee cabdi kariin ka hartay halka madaxweyne Xaaf uu qabsaday afarsano laga soo bilaabatay waqtiga la doortay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbland ayaa hiil aan ganbasho laheen u hiilinaya madaxweynaha Galmudug oo go’an adag taagan.

Lama oga khilaafka taagan sida loo xalinayo inkastoo ay jiraan shirar iyo kulamo ka socdo Magaalada Garoowe kuwaasi oo gooni gooni u socda