Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Galkacyo ku kulmay.

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay  ku kulmeem Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhabaanada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaana intiisa Badan looga hadlay xaalada guud ee amniga Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug oo ay kala maamulaan labada Maamul.

waxaa sidoo kale la isla soo qaaday halka ay marayaan arimaha Nabadeenta Gaalkacyo iyo waxyaabaha kusoo kordhay iyo sidii halkooda looga sii wada lahaa

kulanka oo wali socda ayaa waxaa goordhaw la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ka hadleen.