Somali News

Madaxda Dawladda Puntland oo kulan dhiiri gelin ah Madaxtooyada ugu sameyey 13-jir Farsamayaqaan ah (Sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiya Baarlamaan Axmed Cali Xaashi ayaa Maanta 4-Jan-16 waxay dhiiri gelin u sameeyeen wiil da’yar oo farsamayaqaan ah booqasho lagu keenay qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.

Guuleed waxaa uu Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortooda kusoo bandhigay gawaadhi, iyo Diyaarado uu isagu iktiraacay oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaadhid ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Ika-rogada ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.

Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama laydhadhkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib waxaa uu ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay madaxweynuhu arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku dhiiri geliyey guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.IMG_2130

IMG_2022

IMG_2032

IMG_2036

IMG_2047

IMG_2050

IMG_2052

IMG_2056

IMG_2064

IMG_2070

IMG_2074

IMG_2076

IMG_2080

IMG_2083

IMG_2084

IMG_2090

IMG_2093

IMG_2094

IMG_2106

IMG_2114

IMG_2118

Related posts

Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo bandhigay Hilibkii Qurmay ee Xalay Muqdisho lagu qabtay

admin

Dhageyso: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo madaxda Galmudug ugu baaqday in Muqdisho ay isugu yimaadaan

admin

cunaqabateynta Saaran Soomaaliya oo kulan laga yeeshay iyo waqtigii oo la kordhiyay

admin