Somali News

Madax ka tirsan Maamulka HirShabelle oo ka badbaaday.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen guriga guddoomiyaha Jalalaqsi iyo saldhig ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba.

Sidoo kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu si dirqi ah uga badbaaday, kadib weerar ay ku qaadeen hoygiisa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in  xilliga uu weerarku dhacayey in guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay ku sugnaayeen guriga la weeraray.

Related posts

Dhagayso:- Deganada Gal-Mudug oo lagaso sheegayo Xaalado Halis ah + Waraysi

Tifaftiraha K24

Dowlada Uganda oo shaqada ka joojisay taliyaal ciidanka kadib weerarkii Janaale.

admin

Muqdisho:-Maamulka Degmada Dharkeenley oo sheegay in ay soo qabteen haweenay ilmo yar Suuli ku riday

Ahmed sudani