Somali News

Madasha oo shaacisay ajendeyaal ka duwan kuwa ay sheegtay Villa Somalia oo looga hadlayo kulanka madaxda

Waxaa lagu wadaa in goor dhow ay magaalada Muqdisho ku kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee Villa Somalia iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa siyaabo kala duwan u kala dhigay ajendaha shirka, ayada oo ay muuqato in midba sida uu jecel yahay uu dhigaya ajendaha shirka.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirka looga hadlayo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:-

Hase yeeshee xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha, oo la ogyahay inay kasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah, ayaa sheegay in aysan ka mid ah ajendaha, wuxuuna facebook kusoo qorat shan qodob oo ooga hadlayo shirka, kuwaas oo kala ah:-

Valueimpression Placeholder
  1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.
  2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.
  3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.
  4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.
  5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

Related posts

DEG DEG:- Mungaab oo ku dhawaaqay Afhayeenka Cusub ee Gobalka Banaadir

admin

Dhageyso: Madaxweyne Waare Oo Ka Hadlay Xaaladda Galmudug.

admin

Golaha Shacabka Soomaaliya oo kulankooda uga doodaya.

admin