Animation

Madaafiic Xalay ku basatay Masjid ku yaala Dagamda Qoryooley iyo Dagaal xoogan oo Magaalada ka dhacay

no responses
Sunday January 29, 2017 - 7:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa laga helaya Dagaalxoogan oo Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo garabsanaya Ciidanka AMISOM ku dhexmaray Dagamda Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalka ayaa dhacay Xalay iyadoona Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Gudaha Magaalada Qoryooley.

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ayaa iska difaacay weerarkii Alshabaab ay kusoo qaaday Magaalada waxaana la sheegay in Dagaalka uu socday Mudo .

Madaafiic ayaa Magaalada Kusoo dhacday taasi oo ay rideen Ciidamada AMISOM waxaana la sheegay in Qasaaro kala duwan ay ka dhalatay Madaafiicda Ciidanka AMISOM ay riden.

Madfac ayaa waxa uu ku dhacay Masjid ku yaala Gudaha Dagada qoryooley waxaana uu sababay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac sida ay goob joogayaal sheegeen.

Alshabaab dhowr jeer ayey weerar kusoo qaaday Dagmada qoryooley.