Macron: Caddeyn baan u hayaa in Douma loo adeegsaday hubka kiimikada

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu hayo caddeyn ku saabsan in dowladda Suuriya ay magaalada Douma ku weerartay hubka kiimikada Sabtidii la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay inuu mar dhow go`aansan doono in weerarkaasi looga jawaabo duqeymo cirka ah iyo in kale.

Baaritaan kaadi iyo dhiig laga qaaday dhibannayaasha weerarkaasi ayaa laga helay sunta chlorine-ta iyo tan neerfaha waxyeeleysa, sida ay warbaahintu ka soo xigatay saraakiil Mareykan ah.

Waddamada reer-galbeedka ayaa loo maleynayaa inay isu diyaarinayaan inay gantaallo ku weeraraan Suuriya. Ruushka ayaase si xooggan uga soo horjeesatay falkaasi.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin, Dmitry Peskov ayaa ku baaqay in laga fogado tallaabooyin walba oo xiisadda ka sii dari kara.

MadaxweyneDonald Trump, oo shalay bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inay gantaalladu soo socdaan, ayaa haatan soo qoray inuusan marna carrabaabin xilliga.

Macron ma uusan xusin isha uu warbixinta ka helay, balse wuxuu sheegay inuu hayo caddeyn ah in ugu yaraan xukuumadda Bashar al-Assad ay chlorine u adeegsatay weerarkii Douma.