Animation

Macluumaad ku saabsan dilka Nabadoonka ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

no responses
Sunday September 18, 2016 - 6:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maleeshiyaad loo badinaayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa Habeenimadii xalay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ku dilay Nabadoon si weyn looga yaqaano Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Afweyne Tiiteeye, waxaanauu kamid ahaa Nabaddoonada Degmada Yaaqshiid.

Kooxaha dilka geystay ayaa waxaa la sheegayaa in halkaasi ay ka baxsadeen iyagoo aan la garaneynin sababta ay u dileen.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa loo qabtay dhalinyaro farabadan kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Degmada.

Ma jirto cid sheegatay dilkaNabadoonka ee xalay ka dhacay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.