Maamulka Soomaliland oo Dowladda Uganda u dirtay Codsi Ictiraaf Madax banaani ah Maxayse kala kulantay?

0

Maamulka Soomaliland ayaa dowladda Uganda u dirsaday warqad codsi ah oo uu kaga dalbanaayo in Ay ictiraafaan Maamulkooda oo muddo 27 sannadood Aqoonsi baadi goob ugu jira.

Soomaliland oo sheegta in soomalia inteeda kale ay ka go’day ayaan weli ka quusan in wadamada caalamka ka tuugto ictiraaf dowladnimo waxaana caalamku aqoonsanyahay soomalia oo dal qura ah lehna dowlad goboleedyo federaalka hoostaga oo soomaliland ay qeyb ka tahay dowlad goboleedyada hoostaga dowladda dhexe ee soomalia.

Wasaaradda arrimaha dibadda uganda oo ka hadashay qoraalka codsiga ah ee soomaliland u dirtay uganda ayaa waxa ay meesha ka saareen in haba yaraatee wax waraaq ah aanu soo gaadhin wasaaradda arrimaha dibadda taasi oo niyad jab iyo haadaan ka rideysa damaca maamulka soomaliland ee ku doonaayay in Uganda aqoonsato islamarkaana ay qunsuliyad ka furtaan Kampala.

Ardayda deegaannad soomaliland ka taga ee waxbarashada u doonta dalka Uganda waxa ay baasaboorka soomalia kasoo qaataan caasimadda dalka ee muqdisho markaas kadib ayey Fiisaha dal ku gal ah codsadaan iyagoo Muqdisho ku sugan.

Hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta maamulka soomaliland ayaa markasta ku hadaaqa in dowlad madax banaan ay yihiin iyagoo danahooda gaarka ah u adeegsada beer laxowsiga iyo hadallada qiirro galinta shacabka ku nool deegaannada uu maamulka ka taliyo.