Somali News

Maamulka Somaliland oo muddo 40 Cishaa gudahood ku gaari doonta Xaduudaha.

Xog hoose oo aan helnay ayaa cadeynaaya in ay Somaliland qorsheynayso asbuucyada nagu soo wajahan in ay ciidamadeedu u dhaqaajiso dhawr goobood oo muhiim ah si ay u gaarto, waana qeyb kamid ah qorshe ay horey u dajiyeen dawladda Itoobiya & Somaliland oo doonaya in lasoo xiro xaduudaha ay sheegato Somaliland.

warbaahinta Xogwaran ayaa ogaaday in shir horey uga dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Dirir-dhaba oo dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya laysku raacay meelmarinta qorshahan oo qeyb ka ah sugida Amniga dalka Itoobiya, taasna ay ahayd soo jeedin ku timi mid la doonayo in lagu xaqiijiyo.

Wasiiro katirsan Maamulka  Puntland oo tagay magaalada Wardheer ayaa horey ay Itoobiya ugu wargalisay qorshahan oo ay ugu horeyso magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn, taas oo qorshuhu yahay in si nabadgalyo ah loo gaarsiiyo nidaamka Somaliland.

Isku dayga abaabulkiisa ayaa hadda socda, waxaana Somaliland la filayaa in ay 3 bilood gudahood ku gaarto Xaduudaha ay gumeystihii Reer UK ay dhigeen dhulka Soomaalida, waana qeyb ka mid ah isbedelada ka socda siyaasadda Geeska Afrika.

Somaliland oo doonaysa in ay marka koowad ku wajahdo hab fudud ayaa hadda ciidamadeedii ugu horeeyey ku daabulayso Tukaraq, Qorilugud oo ah duleedka Buuhoodle iyo deegaanka Yube, waxaana qorshe dhameystiran oo fulintiisa ay hadda u taalo ciidamada maamulkaas.

Puntland ayaa qarisay xaqiiqooyinka ku wajahan shirkii magaalada Wardheere ee gobalka Doolo ay kula yeesheen saraakiil katirsanaa laamaha Sirdoonka & Milateriga dalka Itoobiya, kaas oobadankisa looga hadlay xaaladdaha ammaanka.

Itoobiya ayaa u aragta deegaanada xaduudaha xiga in ay marar badan kasoo gudbaan hub lagaliyo gobalka Soomaalida, ka dibna u sii talaaba Itoobiyada kale, taas oo ay sheegtay in uu halis ku yahay ammaankeeda, sidaas oo kale warbixino hoose ayaa sheegaya in shaqsiyaad katirsanaa Daacish oo lagu qabtay Itoobiya ay sheegeen in ay goobahaas kasoo galeen.

Related posts

Dowladda Qadar oo Soomalia u balan qaaday Arin Muhiim ah oo Dalka Nabad u Horseedi kara

admin

Daawo: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Caddeeyay Mowqifka Dawladda Ee Bahda Waxbarashada Dalka

admin

SAWIRRO:-Madxweynaha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaaray Balanballe

Ahmed sudani