Somali News

Maamulka Somaliland Oo Ka Hadashay Booqasho La Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Tegayo Hargeysa.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa.

Saleebaan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka diiday codsiga raysal wasaaraha balse Abiy mar kale ku soo celiyay codsigooda imaanshaha Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in Farmaajo, oo madaxweyna ahi yimaado Hargeysa,isla markaana ay arrintaas si weyn uga soo hor jeedaan marna aysan aqbalayn.

“Anagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado diidimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado ayuu yiri” Guddoomiye Saleebaan.

Related posts

Tahriibayaal caruur ay ku jiraan oo laga soo bad baadiyay badda Mediterranean.

admin

Daawo Sawirro: Maxaadan Ogeyn oo Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Dalka kenya uu gaarsiiyay Maxaabiis Soomaliyeed ee Ku jira Xabsiyada Wadanka…..

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Farmaajo Oo War Ka Soo Saaray Siyaasada Murugsan Ee Dalka

admin