Somali News

Maamulka Somaliland oo gaashaanka udaruurtay mashruucii loogu magac daray Injineer Yariisow.

Maamulka Somaliland ayaa ka horyimid heshiiskii 31-kii bishii hore dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray duqii hore ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda qorsheynta horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan saxiixi karin heshiis ama mashruuc laga fulinayo deegaanadeeda.
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka ay si toos ah iyaga loogala xaajoodo, islamarkaana aysan qaadan doonin mashruuc meelo kale loo soo mariyey.
Waxa kale oo ay Somaliland ku goodisay in mashruuca Midowga Yurub uusan ka fuli doonin, gaar magaalada xeebta ku taalla ee bebera.

Related posts

Maqaamka Muqdisho maxuu noqon doonaa? (Q 2aad)

Tifaftiraha K24

War hada: Maxaadan Ogeyn oo Generaal Diini ujooga Dagmada Caabdu-waaq Xili Galmudug ay….

Tifaftiraha K24

TOP News: Siyaasiyiin, Xildhibaano Iyo waxgarad ku wajahan Degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo “Ujeedka Socdaalkooda”???. .

admin