Maamulka Puntland Oo War Deg Deg Ah Kasoo Saartay Khilaaf Hareeyey Magaalada Garowe

0

Maamulka Degmada Garowe ayaa waxay gudi usaareen is qab qabsiga ka dhasha muranka Dhulalka Ee Magaaladaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa la sheegay in dadka isku heysta Dhulalka ay soo bateen taas oo keentay in Golaha Deegaanka Garowe ay kulan ka yeeshaan kadibna magacaabaan gudi xaliya Khilaafaadka Dhulalka.

Laamaha amniga Ee Degmada Garowe iyo Kan Gobolka Nugaal Maamulkiisa ayaa la faray inay la shaqeeyaan Shan Xubin Oo Gudigaasi ka kooban.

Gudiga La magacaabay ayaa kala ah:

1: C/raxmaan Khaliif Ciise

2: Sheekh Mustafa Cabdullaahi

3: Warsame Cabdullaahi Diiriye

4: Jaamac Ciise Nuur

5: Danbi Baare Abshir

Gudigaan La magacaabay oo iskugu jira Qeybaha Kala duwan Ee Bulshada Waxaa laga dhur sugayaa shaqadooda inay kasoo dhalaalaan,xaliyaana khilaafaadka ka dhasha is qab qabsiga Muranada Dhulka Ee Magaalada garowe Oo Bulshada isku qabtaan.

Warqada lagu magacaabay Gudigaan waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Garowe Ahna Duqa Caasimada Garowe Axmed Siciid Muuse.