Somali News

Maamulka Puntland Oo Goordhaweyd Digniin ka Soo Saartay.  

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland  ayaa soo saartay Digniin ku aadan Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in duufaanta ay ku dhufato inta u dhexaysa Xafuun ilaa Hobyo, iyadoona Xawaaraha dabayshu tahay 80-100 KM halkii saac.

Sidoo kale Puntland ayaa shacabka degan xeebaha, dhulka Miyiga, iyo Magaalooyin kale ugu baaqday inay u diyaar garooban kana digtoonaadan duufaantaas, isla markaana laga baxo dhulka xeebaha.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland.

Related posts

Daawo: Al-qaadi oo sheegay in Gaadiid iyo hub farabadan ay ka qabsadeen Shabaabka ku sugan Duleedka Degmada Baardheere

admin

XOH HOOSE: Xukuumada Somaliya oo Xayiraad dhanka Safaradaha ku soo rogtay qaar kamid ah.

admin

Mandera: 5 Carruur ah oo ku geeriyootay Miina La qaraxday

Ahmed sudani