Maamulka Puntland oo dad u soo qabatay dilka Taliyihii Booliska Goldogob

0

Allaha u naxariistee waxaa xalay la dilay Gaashaanle C/Xamiid Warsame oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Goldogob ee Maamulka Puntland.

Dilka Taliyihii Booliska Goldogob ayaa waxa uu si gaar uga dhacay degaanka Buur-saalax, halkaasi oo ay ku toogteen Askar ka tirsan Puntland, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Xasan Maxamed Khaliif Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askartii ka dambeysay dilka Taliyihii Booliska Degmada Galdogob ee Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ragga dilka geystay in gacanta lagu soo dhigay sharcigana lagu wareejinayo.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysay dilka Taliyihii Booliska Goldogob, balse waxaa socda baaris ay wadaan Hay’adaha ammaanka oo ku aadan sida uu u dhacay dilka.