Somali News

Maamulka Puntland oo bilaabay in uu Ciidamo ka qorto deegaano

Wefdiga  uu
hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo
ku sugan magaalada Badhan ayaa waxa kamid ah xubno ka tirsan Guddiga dib
u-habaynta Ciidamada Puntland.

Xubnahaasi waxa kamid ah Guddoomiyaha Guddiga dib-habaynta
Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Taliyaha
Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Mas’uuliyiinta
Guddiga dib-habaynta Ciidamada oo qeyb ka ahaa wefdiga Guddoomiyaha
Baarlamanka Puntland ayaa halkaasi ka qaban doona Hawlaha diiwaan-gelinta Ciidamada ku sugan Gobolka
sanaag.

Diiwaan-gelinta Ciidamada ku sugan Talisyada kala duwan ee magaalada Badhan ayaa la filayaa in ay isla maanta bilaabato

Related posts

TOP NEWS: Kenya oo Cabsi ay ka qabto Alshabaab Darteed u Xireysa Xeryaha Qaxootiga Dhadhab iyo kakuma

admin

DEG DEG: Ciidamada Huwanta ee Isgarabsanaya oo Alshabaab kala Wareegay Deegaan Muhiim ah oo ka tirsan Gobolka ……

Tifaftiraha K24

XOG: Maxaa ka jira in M/weynaha Jabuuti uusan ka qeyb gali doonin Shirka IGAD ee Muqdisho…

Tifaftiraha K24