Maamulka Jubbaland oo sheegay inay Ciidamada Itoobiya Rabitaankoda Kismaayo ku yimadeen (Sawiro)

0

Maamulka Jubbaland ayaa shalay sheegay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay ku yimaadeen rabitaanka shacabkooda, isla markaana ka qeyb qaadan doonaan howl galka Jubooyinka.

Munaasabad lagu soo dhoweynayay Ciidamada Itoobiya ee gaaray Kismaayo ayaa maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas lagu soo dhoweeyay Taliyaha hogaaminayay Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Col. Tesfaye.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in ciidamadan ay qeyb ka yihiin ciidamadii qabtay Baardheere, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay kala qeyb qaadan doonaan howl galka loogu magac daray Wabiga Jubba.

“Ciidamadan waxay ku yimaadeen rabitaanka shacabka Jubbooyinka, waa ciidamadii qabtay Baardheere, waxayna ka qeyb qaadan doonaan howl galada lagu xoreynayo deegaanada Jubbooyinka”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saraakiisha hogaamin doonta howl galkan ay isugu jiraan kuwa Kenya, Itoobiya iyo Saraakiisha Jubbaland.itobiya-6

itobiya-1

itobiya-2

itobiya-3

itobiya-4

itobiya-5