Maamulka Jubbaland oo sheegay in gacanta lag dhigay Askarigii Xaaskiisa ku dilay Magaalada Kismaayo

0

Maamulka Axmad madoobe ayaa shaaciyay in gacanta lagu haayo gacan ku dhiiglihii sida arxan darrada aheyd xaaskiisa ugu dilay magaalada kismaayo ee xarunta maamulka jubbaland.

Gacan ku dhiigle Cabdullaahi Asad oo ahaa askari ka tirsan ciidamada daraawiishta maamulka axmad madoobe ayaa waxa uu si bareer ah u dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Muxubo Maxamed Guure.

Jubbaland waxa ay sheegtay in askariga falka dilka ah u geestay gabadhii u dhixi jirtay ee xaaskiisa aheyd in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taagi doono lana waafajin doono shareecada islaamka waxa ay ka qabto .

Askarta maamulka jubbaland ee axmad madoobe hogaamiyo waxaa lagu eedeeyaa in gabood falo ay ka geestaan magaallada kismaayo iyadoona aaney jirin cid ka hadli karta gabood fallada beni’aadannimad ka baxsan ee askarta maamulka axmad madoobe ka geestaan kismaayo iyo deegaannada kale ee jubbaland.