Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasaaradda Amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in ay si weyn u xoojin doonto dagaalka ka dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka socda degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland hadda ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dadka Shacabka ah ayuu ugu baaqay in ay la shaqeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland si looga guuleysto Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay shalay In ka badan 40 Shabaab ka mid ah in ay ku dileen hawlgalo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deganada Beerxaani, Kaamjaroon Araare iyo Jamaame.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Related posts

Daawo: Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka koonfur suudan oo lacag aad u badan ugu deeqay abaaraha ka jira dalka

Tifaftiraha K24

VIDEO: Danjire Keating oo Si kulul Kismaayo ugu Canaantay Madaxda Maamul Goboleedyada

admin

Mungaaboow: Muqdisho magangali!

admin