Maamulka Hiiraan Oo Soo Daayey Dad Ay Xireen Ciidanka Liyuu Boolis

0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno uu horkacayo oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa dadaallo badan kadib maanta ku guuleystay in ay soo daayaan illaa lix ruux iyo shan Gaari,kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka kaxeysteen duleedka magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka oo ay la xariirtay Shabelle ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya waxgaradka deegaanka ay ku guuleysteen in ay Xorriyadooda ay dib ugu soo celiyaan dadkaasi.

Sidoo kale waxa ay xuseen in ay ka hortagi doonaan xadgudubyada joogtada ah ee loo geysto shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa had iyo jeer dhacdooyin kala duwan ka geysta deegaanada HirShabellle.