Maamulka Hargeysa oo Xabsiga dhigay Boqor buur-madow oo dhawaan kasoo laabtay Puntland

0

Ciidamada booliska maamulka soomaliland ayaa xabsiga dhigay boqor buur-madow waxaana ciidamada ay kala baxeen hotelka mansuur ee magaallada hargeysa.

Maamulka muuse biixi ayaa carrada ay ka qaadeen hadalkii wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Imaaraat-ka waxa ay kala dul dhaceen Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-Madow oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland.

Boqor buurmadoow ayaa dhawaan ka soo laabtay magaallada carmo ee maamulka puntland halkaasi oo uu kaga qeyb galay caano shubka Beeldaje Maxamed.

Taliska booliska soomaliland ayaana sheegay in boqor buur-madoow uu ku kacay fal qaran dumis ah oo qaranimada soomaliland ka hor imaanaya.