Animation

Maamulka galmudug oo war kulul ka soo saaray dhibaatooyinka ka dhashay isticmaalka lacagaha shilin soomaliga ah

no responses
Thursday July 20, 2017 - 10:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mas’uuliyiinta sare ee dowlada goboleedka Galmudug ayaa war ka soo saaray dhibaatooyinka ka taagan lacagaha shillin Soomaaliga ah, abaaraha iyo dagaalo ka soo cusboonaaday deegaanadaasi waxayna sheegeen in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato sidii wax looga qaban lahaa arrimahaasi.

Shirjaraa’id uu ku qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi ayaa waxaa uu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey isticmaalka lacagaha shillin Soomaaliga ah oo deegaanada Galmudug laga diiday iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

“Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay in aan ka jawaabno xaaladaha kataagan deegaanada Galmudug,waxaan ka codsanaynaa dadka qurba joogta ah iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, iyo in laga wada shaqeeyo xal u helista diidmada lacagaha shilin Soomaaliga ah, sidooo kale waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Galmudug”ayuu yiri madaxweyen kuxigeenka Galmudug.

Hadalkani ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa imaanaya ayadoo muddooyinkii ugu dambeyeey deeganaad Galmudug ay ka taagnaayeen xaalado adag kadib markii ganacsatadu ay diideen in ay qaatana lacagaha shillin Soomaaliga ah.

Suuqyada magaalaad Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Galmudug ayaa laga diiday qaadashada lacagaha shillin Soomaaliga ah taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada.