Somali News

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo Xiisad ka soo cusboonaatey.

Saraakiil ka tirsan Ciidammada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta talaabo ay qaaday Puntland.

Maamulka Puntland ayaa Kantaroolka laga galo magaalada Garoowe u soo wareejiyay xuduudka gobolka Sool, midaasi oo si weyn uga cadheysiisay Ciidamada Millateriga Somaliland.

Saraakiisha ayaa talaabadan Puntland ay kantaroolka ku soo wareejisay ku sheegay mid Puntland ay ku dooneyso dhul aanay laheyn, iyagoona xusay inay Somaliland marnaba ka yeeleyn in deegaanada Bixin ay Puntland ka bilowdo dhul-boob.

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxay maamulka Puntland ku eedeyeen inay deeganadaasi ay ka wadaan xaalad Nabad-galyo daro, iyagoona uga hanjabay inay Puntland deegaanadaasi iskaga baxdo muddo saddex cisho gudahooda.

Waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. Saddex cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgal-yadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishan maanta la hadlay warbaahinta.

Wuxuuna intaas kusii daray Sarkaalku “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan.

Related posts

AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo oo Digniin Culus u diray Shirkadaha iyo Dawladah Shisheeye

Ahmed sudani

War Hada na soo gaaray: Ciidankii isku Horfadhiyay Galbeedka Magaalada Galkacyo oo la sheegay in Galabta la…

Tifaftiraha K24

Daawo: Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta loo soo Bandhigay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Jubbaland oo…..

Tifaftiraha K24