Animation

Maamul Gobaleed mise Dowlad Gobaleed? ( Warbixin Xiiso badan)

no responses
Monday August 31, 2015 - 7:20 under Somali News by admin
mqdefault

Iyada oo Soomaaliya waayihii danbe lagu jahawareeriyay waxa loogu yeero “Federalism” oo ah awoodda oo la baahiyo ayaa waxaa dad badan oo Soomaalida kamid ah isaga qaldan “Dowlad Gobaleed iyo Maamul gobaleed” oo ay isku mid ama eraya leesku bedela karo u arkaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Pfro. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa uu si qotta dheer u faahfaahiyay waxa ay kala yihiin maamul gobaleed iyo dowlad gobaleed iyo sidoo kale in maamulada hada dalka ka jira ay yihiin maamul gobaleed ama dowlad gobaleed.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxa uu hor iyo Horaanba yiri, “Waxa ka jira dalka oo dhan ma ahan dowlad gobaleed marka laga reebo Puntiland oo dhisneyd habka federalka ah in aanan qaadan iyadana waxbaa wali ka dhiman”.

Waxa uu intaa ku daray Prof. Jawaari, “maamuladaasi jira waa maamul gobaleedyo KMG, waxa ay dowlad gobaleed dowladdda Federalka ah xubin ka ah noqon karaan marka ay soo buuxiyaan Shuruuda laga rabo, markaas oo ay gelayaan aqalka sare ee dalka”.

Shuruudaha looga baahanyahay maamul gobaleedyadu in soo buuxiyaan si ay dowlad gobaleed u noqdaan ayuu ayuu ku sheegay Afhayeenka Baarlamaanku in ay ugu muhiimsantahay in dastuurka looga dhaqmaayo in uu waafaqo dastuurka dowlada Dhexe oo ay soo cadeyso maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.

“Hadii ay soo buuxi waayaan Shuruudaha laga rabo maamul gobaleedyadu waligood dowlad Gobaleed ma noqonayaan”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

“Dowlad gobaleed waxaa noqon kara 2 gobol iyo wixii ka badan hasa yeeshee maamul gobaleed waxaa noqon kara koox kasta oo isfahamta inta ay doonto hala ekaatee. Tuslaale, Xubin iyo Xeeb maamul gobaleed ayey aheyd. Ma aheyn dowlad gobaleed saasta ay tahay Saxiix ayey laheyd”, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidaasi ku waramay.

Sababaha keenay in la dhiso maamul gobaleed ayuu ku sheegay gudoomiyaha Baarlamaanka federalka Soomaaliya in ay tahay u diyaar garoobidda dowlad gobaleedyo, si uu dalka dhan uga hir-galo habka federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

Marka laga soo tago in Jawaari uu sidaasi uu u kala saaray “Maamul Gobaleed iyo Dowlad Gobaleed” ayaa hadana masuuliyiinta hogaamiya maamulada dalka ka jira waxa ay sheegtaan in ay yihiin madaxweynayaal dowlad gobaleed, Halka warbaahinta Soomaalidana ay badankood sidaas oo kale ugu yeeraan maamulada dhan “Dowlad Gobaleed”

Hadalkaan Jawaari waxa uu meesha ka saarayaa Muran aad u xoogan oo waayahaan danbe ka taagnaa dhismaha maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed kaas oo qolyaha diidan ay ku andacoodaan in uusan ku dhisneyn si sharci ah maadaama uu ka yaryahay laba gobol.

W/Q: Cabdifitaax Xaashi Nuur