Kulamo Xasaasi ah oo Cawada Muqdisho ka socda iyo Mooshinka oo la filaayo in go’aan laga so saaro

0

Kulan Xasaasi ah oo looga arinsanaayo mooshinka laga keenay guddoomiye ayaa hadda waxa uu xildhibaano ka tirsan baarlamaanka uga socdaa xarunta villa hargeysa .

Kulanka waxaa looga arrinsanaya mooshinkii laga keenay guddoomiye jawaari waxaana laga filaya in ay kasoo baxaan qodobo xasaasi ah.

Guddiga la magac baxay bad baadada baarlamaanka ayaa kulanka soo qaban qaabiyay waxaana ka qeyb galaya xildhibaano lagu qiyaasay 100 xildhibaan oo taageersan guddoomiye jawaari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka lagu shaacin doono in uu buray mooshinkii laga keenay guddoomiye jawaari maadaama 10-kii maalmood ee qorshuhu ahaa in lagu horkeeno ay ku ekeyd maanta oo taariikhdu tahay 28-ka bisha March.

Haddii la shaaciyo in mooshinka uu buray waxa ay xaaladda noqon doonta mid kasii darta oo xildhibaanadii mooshinka keenay aysan aqbali doonin in mooshinka uu buray .

Guddoomiye ku-xigeenka koowaae ee baarlamaanka cabdi wali muudey ayaa horay u shaaciyay in mooshinka codka loo qaadi doono 31-bisha march oo ku beegan maalinta sabtida ee nagu soo food leh.