Animation

Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha oo ka horyimid tallaabada uu Muungaab ku diiday go’aankii Wasiirka Amniga

no responses
Saturday October 17, 2015 - 11:15 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa waxa uu difaacay go’aankii uu  Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed uu ku amray in lagu xiro wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee aadda Garoonka Muqdisho.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa Khamiistii si caro leh kaga horyimid go’aankaasi, isagoona ku sheegay mid dib u dhac ku ah Magaalada Muqdisho.

Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay tallaabada lagu xiraayo wadadaasi inay tahay mid amni oo loogu daneynayo bulshada Soomaaliyeed iyo Xarunta Hay’adda WFP, si ay ammaankeeda ugu xaqiiqsato.

Sidoo kale waxa uu sheegay in goobaha la xiraayo iyo goobaha kale ee la furaayo, ay ku shaqo leedahay Wasaaradda Amniga, isla-markaana ay go’aankeedu lee dahay wixii laga yeeli lahaa, maadaama sida uu sheegay uu dalku ku sugan yahay xaalad adag.

Waxa uu intaa ku daray inaanay jirin cid ka hadli karta amaba ka hor imaan karta go’aanada Wasaaradda, bacdamaa ay shaqadeedu tahay suggida ammaanka. Waxa kaloo uu meesha ka saaray in Duqa Muqdisho uu ka hor imaan karo awaamiirta Wasaaradda.

Mukhtaar Nuur Abuukar, ayaa su’aal ka keenay waxa uu Muungaab ugu dhegan tahay xirista wadadaasi, maadaama ay jiraan wadooyin badan oo Caasimadda ku yaala, oo u xiran arrimo amni, isla-markaana uu kaga hadli la’dahay xirnaanshahooda.

Dhanka kale waxa uu dhaliilay tallaabadii uu Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir uu ku taageeray in Maamulka Gobolka Banaadir oo keliya uu awood u lee yahay xirista iyo furista wadooyinka.

Mukhtaar, ayaa Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku dhaliilay in faraha uu la galay arrimo aanu wax shaqo ihi ku lahayn, oo arrimahaasi ay go’aan ka gaaristoodu lee yahay Wasaaradda Amniga.

Facebook Comments