Ku dhawaad 15 Ruux oo ku dhimatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay dagmada Wanlaweyn

0

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku nafweyday qarax Ismiidaamin ah oo galabta gabal dhicii ka dhacay dagmada wanlaweyn ee gobolka shabeellada hoose.

Dadka dhintay badankood waa shacab marka laga soo tago hal askari oo ciidamada dowladda.

In kabadan 16 ruux ayuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa iyadoona qaarkood xaaladdooda caafimaad aad looga deyrinaayo.

Suuqa labaad ee dagmada wanlaweyn ee qaadka lagu iibiyo ayuu qaraxa ka dhacay waxaana maamulka gobolka shabeellada hoose uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah inkastoo warar madax banaan ay sheegayan in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah .

Wanlaweyn oo qiyaastii 90-KM ujirta caasimadda muqdisho ayaa waxa ay ku dhawdahay ballidogle oo saldhig milatari ay ku leeyihiin dowladda mareykanka.