Somali News

Kooxo Hubeysan oo Muqdisho ku dishay Madaxii Shirkadda Startup Grind

Madaxii Shirkadda Startup Grind Maxamed Maxamuud Sheekh Cali “Dable Pilot” ayaa goordhaw kooxo hubeysan waxa ay ku dileen magaalada muqdisho.

Dableey hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari uu watay marxuumka waxaana durbadiiba goobta ka baxsatay kooxdii dilka geestay.

Maxamad wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aas aasay shirkad dhalinayarada ku dhiiro galisay gacansiga waxaana dilkiisa ka hadlay Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xasan Cali kheyre oo Ka tacsiyadeeyay Geerida Marxuumka.

Ra’isul wasaaraha ayaa faray shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago falalka lagu cuuryaaminaayo horumarka.

Related posts

Daawo: Quruxda iyo Dhal dhalaalka ka Muuqda Magaalada Caabdu-Waaq

admin

Xasaasi: Ku dhawaad 26 ruux oo soomali ah ayaa ku geeriyootay kadib markii gantaal uu ku habsaday

Tifaftiraha K24

Maxay tahay Sababta Dowlada Sacuudiga ay u diiday in la Aaso Meydka Muwaadin Soomaliyeed oo lagu dilay Magaalada Jiddah???

Tifaftiraha K24