Somali News

Kooxda Khawaarijta Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ay ku sugnaayeen  Ciidanka Itoobiya.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii Dhaxe weerar culus waxa ay ku qaadeen xero ciidanka Itoobiya kaga sugnaayeen  deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan .

Weerarka ayaa loo adeegsaday hoobiyaal iyo hubka fudud, waxaana dadka deegaanka sheegeen in ay maqlayeen daryanka hubka labada ciidan xalay saqdii dhaxe isku dhaafsadeen deegaanka Halgan.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Itoobiya, sidoo kale wali lama sheegin khasaaro dagaalkaasi kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah xiliyada habeenkii ah ku qaada xeryaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya kaga sugan yihiin qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.

Related posts

Danjire Nicholas key oo Xil kaqaadis lagu sameeyey Iyo Ergey Cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya

admin

DegDeg:- Guddoomiya Baarlamanka DFS Oo Cambaareyay Gabar lagu Xiray Kismaayo.

Ahmed sudani

Dhageyso: Maleeshiyo Jabisay Heshiiska Gaalkacyo oo Xabsiga la Dhigay iyo Faah faahin laga helay

admin