Somali News

Kooxda Daacish oo Baahisay Fariin Cod ah oo Hogaamiyaha Kooxda uusoo diray Mudo Sanad ah kadib

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa soo saaray cod ay ku sheegeen inuu yahay midka hogaamiyahooda Abu Bakar Al-Baqdadi.

Wuxuu codkaasi ku baaqayaa in shacabka ay difaacaan magaalada Moosil.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan ka bixi doonin magaalada, uuna ku kalsoon yahay inay guul gaarayaan.

Waa farriintii ugu horeysay oo Al-Baqdadi uu soo diro muddo sanad ah.

Sidoo kale waxa ay farriintan imaaneysaa iyadoo laba isbuuc uu socdo olole ka dhan ah ururkiisa.

Dullaanka oo ay hogaaminayaan ciidamada Ciraaq ayaa daacish looga qabsaday deegaano badan oo hareeraha Moosil ku yaalla.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka, Amnesty International, waxa ay sheegeysaa inay cadahay in malleeshiyaadka Sunniyiinta ee qabsaday qeybo ka mid ah Moosil ay ka aargudanayaan ragga looga shakiyo inay daacish taageerayaan.

Related posts

Daawo: Askar ka goosatay Dowlada Federaalka iyo Gaadiid dagaal ay wateen oo lagu soo Bandhigay Deegaan ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose

Tifaftiraha K24

Daawo: Ku dhawaad 200 oo Ciidamada Ilaallada Madaxtooyada ka tirsan ayaa Muqdisho loogu…

admin

War Culus:- Dowladda Jabuuti " Labadii Ruux ee Is Qarxiyeey Hargeysa iyo Diridhabo ayeey ka Yimadeen "

admin