Kooxda Alshabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerar lagu dilay Nin Ganacsade ahaa

0

Cabdi Cismaan Afrax oo la sheegay in uu ahaa Nin Ganacsade ah ayaa saakay Dableey hubeysan waxa ay ku toogteen hooygiisa oo ku yaala Xaafadda Ex Koontarool Afgooye Ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ganacsatada soo dajisa baabuurta ee u iib keentay Magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaana sheegatay Mas’uuliyadda Dilka Marxuumka waxaana ay sheegeen in uu ahaa Sargaal ka tirsan Waaxda canshuur uruurinta dowladda.