Animation

Kooxda Alshabaab oo Dagmada Jilib ku toogatay Laba Ruux oo ay ku Eedeyen in ay Basaaseen Saraakiil sare oo……

no responses
Thursday October 13, 2016 - 1:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe oo Alshabaab ay Maamulaan ayaa shalay Galankii dambe waxaa Alshabaab ay Goob fagaaro ah ku tuugteen Laba Ruux oo ay ku sheegeen in basaasiin ay yihiin.

Labada Nin ee shabaabka ay Fagaaraha ku toogteen waxa ay ku eedeeyen in ay la shaqeynayeen Dowladaha Kenya iyo Ingariiska.

Toogashada Labadan Ruux ayaa waxa ay ka dhacday fagaaraha weyn ee Shababka ay u yaqaanaan Macalin Aadan Ceyrow, waxaana halkaasi soo buux dhaafiyay Dadweyne fara badan kuwaas oo daawanayay qaabka uu dilka u dhacay.

Dhalasho ahaan Labadan Nin ee shabaabku toogteen waxa ay ka soo kala jeedaan Soomaliya iyo kenya Iyadoona lagu eedeyay in mudo ay basaasi jireen saraakiisha Sar sare ee Alshabaab ayna Xogaha u gudbin jireen Kenya iyo Ingariiska.

Ma ahan Markii ugu Horeysay oo Alshabaab dagmada Jilib ku toogten Rag ay ku eedeeyen in Basaas ay yihiin iyadoo ay xusid mudantahay in Horay Alshabaab ay Toogasho ku dileen Rag iyaga ka tirsanaa oo Jawaasiis ay ku sheegen .