Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Kooxda Al-Shabaab oo ‘la wareegtay’ deegaan ku yaalla dalka Kenya.

Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay saqdii dhexe ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska dalka Kenya ay ka qabsadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dab qabad siiyeen xarun ay shirkadda Safaricom ku laheyd halkaasi.

Sidoo kale Al shabaab ayaa sheegatay inay saanad Milatari ka soo qaadatay saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Dhicise, sida ay hadalka u dhigtay.

kooxda  ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Related posts

Dilka Gudoomiye kuxigeenka Sh/hoose oo dad badan loosoo qabtay

admin

Daawo Muuqaal: Maxaadan ogeyn oo Shalay ka furmay Magaalada Kismaayo Xili aad loo….

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay agagaarka guriga madaxweynihii hore ee soomalia iyo qasaaro ka dhashay

Tifaftiraha K24