Somali News

Kooxda Al-Shabaab Oo Weerar Ku ekeysay Kolanyo ka tirsan Ciidamada wadanka

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gobolka Jubada Hoose ku weerareen ciidamo Kenyan ah.

Weerarka oo ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa sababay dagaal fool-fool ah oo dhinacyadda dhexmaray.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley. Ciidanka waxaa la beegsaday iyagoo maraya degaanka Taabta.

Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in uu jiro khasaaro soo kala gaarey dhinacyadda, wallow aanan la xaqiijin tiradda guud.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda AMISOM, laamaha ammaanka Jubaland iyo Al-Shabaab.

Related posts

Dhagayso:- Odawaa “Ahlusuna Miiska Wada hadalka ha yimaadaan, waa dhamaatay waqtigii Qoriga”

Tifaftiraha K24

TOOS: Guddoomiye Thabit ayaa hadda Hadlaya wuxuuna wareejin doona Xilkii Gobolka

admin

Warbixin: Axmad Madoobe iyo Macaashka Dhoofinta Dhuxusha Sharci Darrada ah.

admin