Somali News

Kooxda Al-Shabaab Oo La Wareegtay Deegaan Ay Ku Sugnaayeen.

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab saakay halkaas uu ka dhacay.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Farlibaax oo qiyaas ahaan 45 KM u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, waxaana la sheegay in dagaalka uu socday muddo kooban.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka kadib, Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Farlibaax, isla markaana waxaa halkaas isaga baxay Ciidankii dowladda Federaalka ee ku suganaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Al-shabaab ay goob fagaaro oo ku taalla deegaanka Farlibaax ay dadka deegaanka isugu keeneen, iyagoona la sheegay inay Khudbad u jeediyeen.

Ilaa iyo hada lama oga halka ay u ruuqaansadeen Ciidankii dowladda ee ku sugna deegaanka Farlibaax oo 45 KM u jira Magaalada Baladweyne, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka oo ku aadan ka bixitaankooda halkaas.

Related posts

Mid ka Mid ah Wariyaasha Ka Howlgala VOA-da Oo Muqdisho ku Geeryooday.

Sakariye Sakariye

Hay’adda NASA oo bilaabi doonta dalxiisa Hawada Sare ah.

admin

Daawo : Madaxweynaha Soomaaliya, Kan Puntland Iyo Safiirada Turkiga Iyo Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya oo si wadajir ah Xariga uga jaray Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

admin