Somali News

Kooxda Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla Jubbada Hoose.

Wararka ka heleyno Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeyay Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab uu ka dhacay  deegaan duleedka ah degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid kooban oo dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, waxaana uu sigaar ah ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Bed-alamo oo kaabiga ku haya xuduudka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Dagaalka kadib ayaa Al-shabaab waxaa ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciianka Jubbaland, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen Saldhigyadii ay halkaas ku lahaayeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Dhoobleey.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Saldhigii Ciidanka Jubbaland ee deegaanka ay ka qaateen saanado hub ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Weli ma jiro wax war ah oo ka baxay Sraaakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in shabaab ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Related posts

Maandeeq Nuur Garaash oo soo saartay hees cusub magaceeduna yahay Galmudug

admin

Roob Mahiigaana Oo Ka da’ay Degaanka Xinlabi

Ahmed sudani

XOG: Aalla sheekh oo nin halis ah u xulatay Musharaxa doorasho (Waa kuma?)

admin