Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

kooxda Ahlu-Sunna oo saraakiisha dagmooyinka ku amartay in aysan qaadan karin amar aan kooda aheyn.

Hoggaanka Ururka Ahlusunna ayaa 9kii  Bishaan Shir deg deg ah la qaatay kaliyah maamulada degmooyinkii ay horay  gacanta ugu heysay Ahlusunna ka hor inta aysan ku biirin maamulka Galmudug.

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii shirkaasi ka qeyb galay Ahlusunna ayaa ogeysiisay maamulada degmooyinka in uu jiro Khilaaf ku aadan Ahlusunna iyo dowladda dhexe maadaama aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay qaarkood.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna ayaa ku amray maamulada degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel Mareerguur iyo Matabaan in aysan qaadan karin Amar aan aheyn Midka hoggaanka ahlusunna.

Maamulada ayaa sidoo kale lagu amray in Garoomadda diyaaradaha ay ka ilaaliyaan  in Ciidamo laga soo dejiyo.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa dhawaan shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka sugayaan balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug.

Related posts

Update: Guddoomiyaha cusub ee midowga afrika Moussa Faki oo goordhaw soo gaaray magaalada muqdisho

Tifaftiraha K24

WAR CUSUB: Maxkmad ku taalla dalka Uganda oo ku heshay Cisa Axmed Luyima, in uu ahaa ninkii soo agaasimay qaraxyadii 2010-kii ay kooxda Shabaab ku qaaday Kampala.

Tifaftiraha K24

Shirka Dib U Heshiisiinta Maamulka Galmudug Oo lashaaciyey goortuu Furmaayo. 

admin