Somali News

Kooxda Ahlu-Sunna oo laga joojiyay xaflad ay u qaban laheyd Xildhibaanada ay xulatay.

Ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa la wareegay Hoolka Midnimo oo kuyaala magaalada Dhuusamareeb kaa oo qorshuhu uu ahaa in ay ka dhacdo Xaflad lagu soo dhaweynayo xildhibaanadii Ahlu Sunna u soo xusheen in ay uga mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan oo wata gaadiid dagaal ayaa masuuliyiinta Hotelka iyo dhalinyaradii waday qaban qaabada ku armay in ay joojiyaan Abaabulka Xafladaan.

Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed shaakir Cali Xasan ayaa intaa ka dib go’aamiyay in la joojiyo xaflad lagu taageeri lahaa 20-ka xildhibaan ee Ahlusunna soo gudbisey, waxa uuna Dowlada Faderaalka Ku eedeeyay masuuliyada baaqashada Xafladan oo uu sheegey in ay xad-gudub ku tahay heshiiskii la gaarey sida ay Mustaqbal u sheegeen Xubnihii Xafladaan qabanqaabinaayay.

“Sheekhu waxa uu noo sheegay in aan joojino qaban qaabada Xaflada maadama Dowladu adeegsanayo ciidamadii qaranka”ayuu yiri mid ka mid ah Xunaha Guddigaan oo magaciisa ka gaabsaday.

“Dowladdu waxa ay diidantahay habkii Ahlusunna u soo xushay xubnahaan,mana jabi karto heshiiskii lawada galay marka dagaal ayay raadinaysaa,si dagaal looga fogaadana Sheekh Shaakir ayaa na amray in aan joojino Xafladaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddiga Farsamadda Maamul dhisidda Galmudug ayaa xalay soo saaray Sharuudo ay marayaan 89 xubnood ee ka mid noqonaya Barlamaanka 2 aad ee Galmudug ee dhowaan lasoo xuli doono.

Waraaqda ay Guddiga soo saareen ayaa u muuqatay in gabi ahaanba Dowladda aqoonsaneen Xillibaanadda Ahlusunna soo qortay kadib Cabasho ka timid qaar kamida Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ah kuwaa oo ku eedeeyay Ahlusunna in iska indho tirtay Saami qeybsiga Qabiiladda iyo in xubnaha qaar ay ku qortay kuraas aysan qoondo ahaan u laheyn.

Ahlusunna ayaa dhankooda qoraal ay soo saareen waxa ay kaga soo horjeesteen Sharuudaha ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamadda Maamul dhisidda Galmudug kuwaa oo la doonayo in ay maraan Xildhibaanada doonaya in ay kamid noqdaan Barlamaanka 2 aad ee Galmudug.

Arinta Dooda ugu badan ka taagantahay ayaa ah in Ahlusunna ay Xubnaha ay soo xuleen in ay u badiyeen beelaha qaar kuwaas oo ay u arkeen in ay ka imaan karaan Xildhibaano inta badan khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo.

Beelaha qaar ayaa dhaliilay soo xulista Xildhibaanada qaabka ay u mareen Ahlusunna,halka kuwa kale ay soo dhaweeyeen Mataalada ay ka heleen Ahlusunna oo soo xushay 20 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 2 aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin liiska ay soo saareen Ahlusunna kuwaa oo ay kusoo bandhigtay 20 ruux oo ay ugu tala galeen in ay uga mid noqdaan Barlamaanka Galmudug.

Related posts

Maxaa ka jira In Maamulka Galmudug uu laba qeybood u kala jabay?

admin

War Cusub: Dowlada Kenya oo Amar Culus ku soo Rogtay Qaxootiga Soomaalida ah ee ku Nool Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka kenya

Tifaftiraha K24

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlay xaaladda Xadka labada Dal

Ahmed sudani